SAWIRRO CUSUB: Maxaa kasoo kordhay hawl-gallada ka socda degmooyin ka tirsan Sh. dhexe?

Thursday February 20, 2025 - 11:53:24
Liibaan Jeexoow
Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro ba'an oo saaka cagta lagu mariyey maleeshiyaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Raayada tawxiidka ayay wararku tibaaxayan in maanta ka babanayso gebi ahaanba goobihii saaka lagala wareegay maleeshiyaadka DF Soomaaliya.

Deggaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fool Dheere, Daarunicma iyo Al-Kawsar oo dhamaantood ka tirsan Sh. hoose ayaa haatan gacanta ugu jira Xarakada Al-Shabaab, kadib weerarradii xasminta ahaa ee saaka loogu awood-sheegtay maleeshiyaadka Gurguurte.

Wararka ayaa intaas ku daraya in firxadka maleeshiyaadka DF Somaliya ee saaka lagu jabiyey dagaallaasi ay qaarkood u firxadeen dhanka Aadan Yabaal iyo deggaanno kale oo ka tirsan Shabeellaha dhexe.

Maydad fara badan ayaa lagu soo warramayaa in ay waran yihiin goobihiii lagala wareegay maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo qaarkood aanu baahinay sawirradooda.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo tiro beel ah oo soo gaaray maleeshiyaadka dawladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil ciidan oo mid ka mida magaciisa aanu horey idiinku soo gudbinay.

Geesta kale waxaa jiraa jira agab millateri oo aad u fara badan oo xoogagga Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen. Waxaana ka mida gaadiid dagaal iyo noocyo kala duwan oo hubka culus iyo ka fududba isugu jira.

Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale goor dhawayd baahiyey sawirro hor leh oo muujinaya jabka xooggan ee maleeshiyaadka Gurguurte lagu gaarsiiyey weerarkii ka dhacay deggaanka Al-Kawthar.

Qaybo ka mida sawirradaasi halkan hoose ka daawo, qaybaha kalena waxaad kasii tix-raaci kartaa linkigan: https://t.me/+lBn-bRC1UxQ2NWI0,  wixii soo kordha la soco insha Allaah.....



Related Items

Update cookies preferences