Weerar khasaare culus geystay oo dablay hubaysani ay ka fulisay gobolka Tigrey.

Saturday February 22, 2025 - 12:07:37
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Tigrey ee waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegaya weerar geystay khasaare culus oo ka dhacay deegaan ku dhow caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.
Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 20 qof ay dhaawacmeen kadib markii rag hubaysani ay rasaas oodda kaga qaadeen dad ku sugnaa degmo yar oo magaceeda lagu sheegay Seharti.

Weerarkan oo sida lagu soo warramayo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, ayaa kusoo aaday xilli magaallada Mekelle ay ka socotay xuska sanadguuradii 50-aad ee kasoo wareegtay aas aaskii kooxda TPLF.

Xogta ayaa intaa ku daraysa in dablaydu ay argagax ku rideen dadka shacabka ah isla markaana ku qasbeen Melese Aseged, oo ah madaxa deegaanka Addis Alem oo ka tirsan degmada Seharti, inuu dhiibo shaambada rasmiga ah ee deegaanka.

Odayaasha iyo qaybo ka mida dadka deggaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen dhex-dhexaadin ay arrintan ka galaan balse waxaa ku gacan-sayray kooxdii hubaysnayd ee soo weerartay deggaanka.

"Dableyda ayaa damacday inay la baxsadaan shaambada, waxayna rasaas ku fureen dadkii isku dayay inay joojiyaan.” Ayuu yiri Tsegu Berhe, oo ah madaxa arrimaha haweenka ee xaafadda ay shaqaaqadu ka dhacday.

Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigrayga ayaa ku tilmaamay weerarkan ka dhacay degmada Seharti inuu ahaa mid siyaasadaysan oo ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada Tigrayga, inkastoo aysan magacyadooda sheegin.

Falkan ayuu maamulku cambaareeyey, waxaanu ku tilmaamay isku dayga lagu doonayo in lagu burburiyo qaab-dhismeedka deegaanka, waxaanu ka digay xaalad halis ah oo dalku uu geli doono haddii ay sii socdaan falalka noocaan oo kale ah.

Ciidamada qalabka sida ee gobolka oo uu maamulku ugu yeero "Ciidanka Difaaca Tigreega” ayaa bilo badan ahaa dhexdhexaad kadib sanadkii hore markii ay soo shaac-baxday kala-jabkii ku yimi kooxda TPLF.

Si kastaba ha ahaatee, horraantii bishan, in ka badan boqol sarkaal oo ka tirsan taliyeyaasha ciidamadan ayaa shir ku yeeshay magaalada Mekelle, waxayna ku dhawaaqeen inay taageersan yihiin garabka Debretsion, iyagoo ka soo horjeestay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigrayga.

Ilaa 20 ka mid ah taliyayaasha sare ee militariga ayaa dhankooda iyaguna taageero u muujiyay maamulka KMG ah, waxaanay kasoo hor-jeesteen isbahaysi ciidan oo la sheegay in uu dhex-maray Eritriya iyo kooxda uu hogaamiyo Debretsion ee TPLF, kuwaas oo lagu soo warramayo in ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhan ah dawladda Faderaalka ee Xabashida Itoobiya iyo maamullada taabacsan.


Related Items

Update cookies preferences