Weli waxaa socda hawl-gallo lagu sii baacsanayo maleeshiyaadkii Gurguurte ee saaka lagala wareegay deggaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.
Deggaannadan oo ay ka mid yihiin Ceel Cali Axmed, Cali Fool Dheere, Daarunicma iyo Al-Kawthar ayaa waxaa si buuxda haatan gacanta ugu haya xoogagga Al-Shabaab.
Xogtii u dambeysay ee hawl-galladaasi ayaa sheegaysa in maleeshiyaadka Gurguurte ay isku dayeen in ay dib ugu soo laabtaan duleedka deggaanka Ceel Cali Axmed. Balse ay la kulmeen jab xooggan, dibna dib u firxadeen.
Wararkii u dambeeyeyey ee aanu ka helnay hawl-galladaasi ayaa tibaaxaya in gacanta lagu soo dhigay sarkaal nool oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte iyo weliba tiro askar ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maydadka maleeshiyaadka Dowladda Federaalka Somaliya ay weli daadsan yihiin aagaggii saaka lagu dagaallamay.
Sidoo kale waxaa jira maydad fara badan oo ku faafsan deggaannada miyiga ah, kuwaas oo lagu soo warramayo inay yihiin firxadka maleeshiyaadkii Gurguurte ee la baacsaday.
Saanad millateri oo tiro beel ah ayay xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen dagaalladaasi, waxaana ka mida gaadiid dagal iyo weliba hub aad u fara badan.
Waxaanu horey idiinku soo gudbinay sawirrada weerarradii xasminta ahaa ee saaka ka dhacay deggaanka Ceel Cali Axmed iyo deggaanka Al-Kowthar.
Waxa haatanna la baahiyey markii saddexaad sawirro kale, kuwaas oo muujinaya cag-marintii saaka ka dhacday deggaanka Daarunicma iyo jabkii gaaray maleeshiyaadka Gurguurte.
Qaybo ka mida sawirradan hoos ka daawo, qaybaha kalena waxaad ka tix-raaci kartaa telegramkan https://t.me/+lBn-bRC1UxQ2NWI0, lana soco wixii soo kordha Insha Allaah…..