Xoogagga Al-Shabaab ee Sh/dhexe oo dib ula wareegay deegaanka Ceelbaraf,

Friday February 21, 2025 - 05:52:44
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xoogaga jihaaduga ah ee Al Shabaab ay si nabad gelyo leh kula wareegeen deegaanka Ceelbaraf.
Dagaalyahanno aad u hubaysan ayaa gudaha deegaanka Ceelbaraf lagu arkay iyagoona shacabka goob fagaare ah ugu muxaadareeyay, maleeshiyaadkii dowladda Federaalka ayaa isaga baxay deegaankan kadib markii looga adkaaday dagaalkii Cali Fooldheere.

Guluf dagaaleed xooggan kadib ayay jihaadiyiinta Al Shabaab ugu suuragashay in ay qabsadeen deegaanno dhowr ah oo katirsan Sh/dhexe waxaana kamid ah Alkowsar,Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere.

Related Items

Update cookies preferences