Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya ayaa sheegaya weerarro xooggan oo xasmin ah oo saaka ay xoogagga Al-Shabaab kala dul-dhaceen saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka DF Somaliya.
Weerarradan cag-marinta ah ayaa hadda ka socda deggaannada kala ah Ceel Cali Axmed, Daarunicma iyo Cali Fool Dheere oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor ay xoogagga Al-Shabaab la wareegeen saldhigga maleeshiyaadka DF Somaliya ee deegaanka Daarunicma ee Shabeellaha dhexe.
La soco wixii kasoo kordha insha Allaah….