FAAH-FAAHIN: Al-Shabaab oo cagta mariyey maleeshiyaadka Gurguurte lana wareegay goobihii lagu dagaallamay.

Thursday February 20, 2025 - 08:47:44
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo kordhay weerarradii cag-marinta ahaa ee xoogagga Al-Shabaab ay saaka kula jarmaadeen deggaannada Ceel Cali Axmed, Daarunicma iyo Cali Fool Dheere.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijinaya in xooggagga Al-Shabaab ay goor dhawayd la wareegeen deggaanka Ceel Cali Axmed oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab waxay daqiiqado ka hor gacanta ku dhigeen deggaanka Cali Fool Dheere oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxa kale oo labadan deggaan kasii horreeyey oo xoogagga Al-Shabaab ay judhii hore ee saakaba la wareegeen deggaanka Daaru Nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in goor dhawayd uu sidoo kale bilawday weerar xasmin ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen deggaanka Al-Kawsar ee duleedka Adan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Warar horu-dhac ah oo daqiiqado ka hor aanu helnay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 22 askari oo labo ka mid ah ay saraakiil ahaayeen lagu dilay weerarkan.

Guud ahaan goobihii lagala wareegay maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka babanayo raayada madaw ee tawxiidku ku xardhan yahay.

Maydad aad u fara badan oo maleeshiyaadka Gurguurte ka carareen ayaa la sheegayaa inay bilqan yihiin goobihii lagu dagaallamay. 

Waxa kale oo jira dhaawacyo fara badan oo uu ka mid yahay Kornel Xasan Dhicisow oo ah Taliyaha Booliska Hirshabeelle oo saaka lagu dhaawacay dagaalka ka dhacay deegaanka Cali-Fooldheere.

Xogo dheeraad ah oo nasoo gaaraya ayaa iftiiminaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay haatan ku gudo-jiraan baacsiga maleeshiyaadkii lagu jabiyey dagaalladan saaka ka dhacay aagagga kala duwan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan saanad isugu jirta hub iyo gaadiid fara badan oo saaka lagala wareegay maleeshiyaadka DF Soomaaliya.

Geesta kale warbaahinta ku hadasha afka xarakada Al-Shabaab ayaa ballan-qaadday in goor dhow ay baahin doonto sawirrada weerarkii ay xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen deggaanka Ceel Cali Axmed.

 
La soco wixii soo kordha insha Allaah……..

Related Items

Update cookies preferences