Diyaaradaha maamulka Addis Ababa oo dad shacab ah ku xasuuqay gobolka Amxaarada.

Saturday February 22, 2025 - 14:16:08
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 16 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday duqayn ay diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ka geysteen degmada Goncha Enese ee bariga Gojjam iyo Angesh Kebele ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.
Dadka dhintay ayaa lagu soo warramayaa in uu ku jiray wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 12 sano jir. Waxaana ku dhaawacmay 10 qof oo kale, kuwaas oo qaarkood garaab yihiin, lana dhigay cisbitaallada.

Duqayntan ayaa lagu soo warramayaa in gelinkii hore ee khamiista ay fulisay diyaarad diyaarad Drone ah oo ay leedahay dawladda dhexe ee federaalka Itoobiya, taas oo duqaysay ugu yaraan saddex bar-tilmaameed oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in goobaha la beegsaday ay ka mid yihiin bakhaarro ay leeyihiin dad rayid ah, kuwaas oo mulkiilayaasha meheradaasi qaarkood magacyadooda lagu sheegay Temesgen Abere, Shumet Tesfe, iyo Habte Amare. Ilaa hadda lama xaqiijin in raggaasi ay ku jiraan dadka dhintay ama dhaawacmay.

Maleeshiyaadka Fano oo gacanta ku haya deegaankan ay duqayntu ka dhacday ayaa xaqiijiyay dhacdadan. Balse maamulka Abiy Axmed iyo maamulka Amxaarada ayaan ilaa hadda midkoodna ka hadal weerarkan.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii duqayntan oo kale oo ka dhacday deggaanka Ambassel, Wollo, ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof oo rayid ah afar kalena ay ku dhaawacmeen. Waana dhacdadii labaad oo muddo usbuuc gudihiis ah ka dhacda gobolka Axmaarada.

Related Items

Update cookies preferences