Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka SL Muuse Xasan ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqey doorashada Xisbiyada iyo Madaxtooyada ee maamulkaas laga qabtey 13 November ee ina dhaaftey.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in tirada guud ee codkooda dhiibtey doorashada madaxtooyada ay noqdeen 647,863 cod. Tirada codadka ee xumaadey ayaa noqday 9,528 halka ay amsaxeen 638,126 cod.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi uu ku guuleystay Madaxweynaha Somaliland isla markaana uu helay cod dhan 407,908 oo u dhiganta 63.92%. Halka Muuse Biixi uu helay 225,519 oo u dhiganta 34.81%, Faysal Cali Waraabe ayaa isna helay 4699 oo u dhiganta 0.74%.
Dhanka kale doorashada Xisbiyada ayaa waxa u soo baxay in ay noqdaan xisbiyada 10 sano ee soo socda Waddani oo kaalinta koowaad galey isla markaana helay 216,284. Kaah oo helay 131,507 iyo Kulmiye oo galey kaalinta 3aad isla markaana helay 108,100.
Natiijadan ayaa loo gudbinayaa Maxkamadda Sare ee SL si haddii ay cabasho jirto halkaa loogu dhammeeyo sida uu sheegay Guddoomiyaha Doorashada SL.