Waqtiga isbahaysiga ATMIS oo dhammaaday iyo khilaaf weli ka taagan cidda maalgelinaysa isbahaysiga cusub.

Tuesday December 31, 2024 - 18:43:28
Liibaan Jeexoow
Kadib 17 sano oo uu jirsaday isbahaysiga soo duulayaasha frikaanta Soomaaliya ayuu maanta ku ekaa waqtigii loo qabtay in ay ku xaqiijiyaan ahdaaftii ay udejiyeen dowladaha gummeystayaasha reer Yurub.
Ciidamada Afrikaanta oo ciidda Soomaaliga cagta soo dhigay horraantii sanaddii 2007-dii ayuu waqtigoodu ku ahaa maanta oo ay taariikhdu aheyd 31 December 2024.

Ururka midowga Afrika ayaa billaawgii duullaankiisa Soomaaliya ciidamada ubixiyay magaca AMISOM waxayna magacaas ku shaqeynayeen muddo 15 sanadood oo xiriir ah.

Sanaddii 2022-kii ayaa soo duulayasha laga bedelay magaca waxaana loo bixiyay ATMIS oo loola jeedo howlgalka Kumeelgaarka midowga Afrika ee Soomaaliya.

Howlgalkan oo socday muddo 2 sanadood oo xiriir ah ayaan wax guulo ah xaqiijin,wuxuu qorshuhu ahaa in askariga ugu dambeeya ee Afrikaan ah uu Soomaaliya isaga baxo maanta oo kale balse dowladda Federaalka oo weli ah mid aad uliidata ayay waxa loogu yeero beesha caalamka ka baqeen in ay dhacdo dalkana ay lawareegaan dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin.

Isbuucii lasoo dhaafay kulan ay golaha waxa loogu yeero Q.Midoonay ku yeesheen magaalada New York ayay ku go'aamiyeen in labedelo magaca ATMIS lagana dhigo howlgalka AUSSOM wuxuuna howlgalkan noqonayaa midkii ugu liitay marka loo eego tirada ciidamada ka qeyb gelaya,maalgelin xumada iyo khilaafka udhaxeeya dowladaha ay ciidamadu ka imaanayaan.

Min AMISOM,ATMIS illaa AUSSOM oo berri bilaabanaya ayay jihaadiyiinta Al Shabaab hortaaganyihiin isbahaysigan maalgelinta maaliyadeed iyo midda melleteri ka helaya dowladaha reergalbeedka waxaana xusid mudan in jihaadiyiintu ay ka awood badanyihiin sidii ay ahaayeen sanaddii 2007 kolkaas oo soo duulayaashan ay dalka soo dhigeen.

Related Items

Update cookies preferences