Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Somaliland oo maanta golihiisa wasiirrada kulan la yeeshay ayaa sheegay in siyaasadd xukuumaddiisa cusubi ay tahay nabad.
Cirro ayaa dhanka kale u tacsiyeeyay dad shacab ah oo laba maalmood ka hor malleeshiyada Liyuu Boolis ku xasuuqeen deegaan lagu magacaabo Dacawaley, waxaanu xusay in ay meel fiican marayaan dedaalladii xal u helidda dhibaatada ka aloosan Dacawaley.
"Meel fiican ayey marayaan dadaalladii dhibaatadaa lagu soo afjarayey iyo wada hadalkii ka dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland, Dawladda Federaalka Ethiopia iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaanan ku rajo weynahay in la soo Afjaro DhibaatadaasI” Ayuu yiri Cirro.
Kulanka Cirro iyo Golihiisa Wasiirrada ayaa daarnaa sidii loo dardar gelin lagaa ballanqaadyadii uu ololaha ku galey Xisbiga Waddani xilligii uu mucaaridka ahaa.
Geesta kale wadahadalladii shaley ay wada galeen maamulka Somaliland, maamulka Soomaalida ee deggaannada ku hoos-jira gumaysiga Itoobiya iyo Saraakiil ka tirsan Federaalka Itoobiya ayaa la sheegayaa in la isla qaatay in malleeshiyada Liyuu Boolis laga fogeeyo aaggii Dacawaley ee mashaqadu ka dhacdey.