Saraakiil American ah oo sheegay in maamulka cusub ee Trump qorshaynayo sidii uu ciidankiisa uga saari lahaa Soomaaliya.

Wednesday January 01, 2025 - 11:55:32
Liibaan Jeexoow
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada Mareykanka laga yaabo in mar kale laga saaro Soomaaliya, kadib marka uu Madaxweyne Donald Trump dib ugu soo laabto xafiiska.
Tallaabadan ayaa noqon karta mid lagu yareynayo joogitaanka millatariga Mareykanka ee qaaradda Afrika, si xoogga loo saaro gobollada kale ee muhiimka ah, sida uu qoray jooranalka Stribes ee kasoo baxa maraykanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka hagaya siyaasadda mamulka cusub ee Trump ay aaminsan yihiin in Soomaaliya aysan hadda ahayn mid MareykankU ku bixin karo kheyraad iyo askar dheeraad ah, sida uu jornalkan u sheegay ninka lagu magacaabo J. Peter Pham, oo hore u ahaa ergayga gaarka maamulkii Trump ee gobolada Saaxilka Afrika.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira ciidamada militira Soomaaliya qaasatan ciidanka Danab ee Maraykanku tababaro ay keentay su'aalo ku saabsan sida loogu sii wadi karo taageerada millatariga ee Soomaaliya, iyadoo aan la helin lammaane lagu kalsoonaan karo.

Siyaasiyiinta u dhaw maamulklka Trump ayaa walaac ka muujinaya in Mareykanku u waayi karo mudnaanta uu ku leeyahay gobollada muhiimka ah sida Aasiya, maadaama uu weli ku mashquulsan yahay qaaradda Afrika. 

Ninka lagu magacaabo Elbariij kolbi, oo Trump u magacaabay inuu noqdo ku-xigeenka siyaasadda ee Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Mareykanku uu si aad ah ugu firdhisan yahay qaaradda, lagana fiirsado sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo joogitaanka Baasifigga.

AFRICOM, oo fadhigeedu yahay Stuttgart, Jarmalka, ayaa Soomaaliya ku leh boqolaal askari oo inta badan taageero u fidiya cutubyo ka tirsan ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya. 

Taliyeyaasha Mareykanka ayaa hore u sheegay in qaabkan uu wax badan ka caawin karo la-dagaallanka Al-Shabaab, laakiin walaaca ka dhashay ee ah inaysan jirin horumar muuqda ayaa mar kale soo cusboonaaday. 

Sida ay warbixintu sheegtay qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa ku eedeeyay AFRICOM inay buunbuuniyaan khataraha ka imaan kara jira Soomaaliya si ay u helaan agab dheeraad ah, iyadoo qaar ka mid ah qiimeynta khataraha aysan waafaqsanayn xaqiiqada dhabta ah ee meesha ka jirta.

J. Peter Fam ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in si buuxda dib loogu qiimeeyo siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in qaabka hadda jira uu noqday mid fashil ah. 

"Ka hor inta aan Mareykanku gelin Soomaaliya juhdi dheeraad ah , waa in la sameeyaa dib-u-eegis ballaaran oo ku saabsan Soomaaliya oo ah dawlad fashilantay," ayuu yiri J. Peter.

Hadalka J. Peter ayaa sii xoojinaya dooddii hore ee ku saabsanayd in Mareykanku uu u baahan yahay inuu qaato siyaasad cusub oo ku saleysan danihiisa mustaqbalka fog.

Related Items

Update cookies preferences