Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo labadiisa ku-xigeen oo la doortay.

Thursday November 21, 2024 - 15:59:06
Liibaan Jeexoow
Guddida doorashada maamulka la baxay Jubbaland oo kaashanaya guddida golaha wakiilada u qaabilsan doorashooyinka ayaa goor dhawayd soo gunaanaday doorashada guddoonka baarlamaanka cusub ee Jubbaland.
Tartanka kursiga guddoomiyaha ayaa dhex-maray Cabdi Maxamed CabdiRaxmaan iyo Ismaaciil Cabdi Keerow, halka guddoomiye-xigeeenka koowaad-na ay ku loollameen Hiirad Ismaaciil Maxamed iyo Mahad Maxamed Axmed, gudoomiye ku-xigeenka labaad-na Cabdirashiid Cali Maxamuud iyo Xildhibaan Cabdi Baaley Xuseen.

Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Yuusuf Cali ayaa madashaasi ka shaaciyey in guddoomiyihii hore ee golahaasi Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan uu mar kale ku guulaystay tartanka doorashada guddoomiyaha golaha cusub ee Wakiillada Jubbaland.

Sidoo kale Xildhibaan Hiirad Ismaaciil Maxamed ayaa ku guulaystay guddoomiye-xigeenka 1-aad ee golaha wakiillada Jubbaland. Halka Guddoomiye ku-xigeenka Labaad-na uu ku guulaystay Xildhibaan Cabdi Baaley Xuseen.

Madasha doorashadu ka qabsoontay oo ahayd hoolka DAAWAD ee magaallada Kismaayo ayaa goob-joogeyaashii soo xaadiray waxaa ka mid ahaa Xildhibaanada BJFS labadiisa Aqal ku metala Jubbaland, Wasiirro iyo odayaal.

Doorashadan ayaa timi xilli dalalka shisheeye ee isugu yeedha saaxiibada Soomaaliya ay walaac xooggan ka muujiyeen khilaafka sii cakirmaya ee ka dhex aloosan DF-ka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Bayaan ay dalalkani soo saareen ayaa loogu baaqay labada dhinac in ay joojiyaan wax walba oo xiisadda sii hurin kara, isla markaana ay bilaabaan wada-hadal furan ka hor inta aan la dhamaystirin geedi-socodka doorashada.

Baaqyada kasoo yeedhaya beesha caalamka ayaa ilaa haatan aan waxba ka bedelin hanaan-socodka doorasho ee Axmed-madoobe ka abaabulay deggaannadaasi, taas oo haatan u gudubtay marxaladdii u dambaysay ee lagu soo dooranayay madaxweynaha cusub ee Jubbaland.

Related Items

Update cookies preferences