Xaaladda magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa maanta deggan ka dib dagaallo goos goos ah oo ka socday labadii cisho ee u dambeeyay.
Barasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa ka hadley dagaalladii ka dhacey gobolka isaga oo sheegay in dhanka maamulka Somaliland ay ka dhinteen 2 askari halka malleeshiyada kale aanu sheegin.
Barasaabku waxa uu ka dhawaajiyey in kooxda soo duushay ay tahay malleeshiyo diiddan wada noolaanshaha ka jira magaallada.
"Dhanka Ciidanka Qaranka waxa ka dhintey laba askari oo u dhintey wadanoolaanshaha bulshada dhanka malleeshiyaadka khasaaraha gaarey waa itikis ciidan oo ciidankaa ka war bixin doona” Barasaabka Sanaag.
Waxa kale oo uu intaa raaciyey in ay jiraan dad loo qabqabtey dhac hantiyeed ama bililiqo kuwaas oo uu sheegay in qaarna la xirxirey kuwo kalena lagu dabo jiro.
Geesta kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartey dagaalka ka dhacey Ceergaabo halkaas oo ay baaq u direen maamullada, odayaasha iyo bulshada ku dhaqan gobolka in ay xaaladda nabad ku soo dabbaalaan.
Magaalada Ceerigaabo waxa soddonkii sano ee la soo dhaafey ka talinayey maamulka Somaliland laakiin dhawaan intii uu dhacey dagaalkii Laascaanood waxa jirey kala fogaansho bulshada dhexdeeda ah, taas oo la isku maandhaafsan yahay maamulka SSC-Khaatumo iyo Somaliland.