Golaha Guurtida maamulka maamulka Somaliland ayaa guddi u saartey xaaladdii colaadeed ee deegaanka Dacawaley.
Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan-Gaal ayaa sheegay in guddidu tahay mid wacyigalineed oo xukuumadda Somaliland ugu talo gashey wacyigalin iyo daminta colaadda.
"Annaga oo ah Golaha Guurtida waxa aanu idiin magacownay guddiyeey in aad ka howlgashaan wacyigelinta iyo xog ogaal u noqoshada xaaladda nabadgelyo ee hadda taagan iyo sidii xukuumadda loogala shaqayn lahaa nabadeynta arrinta taagan ee Dacawaley” Guurtida SL.
Guddidan ay magacaabeen Golaha Guurtida maamulku ayaa tiradoodu dhan tahay 13 xubnood.
Xaaladda deegaanka Dacawaley ayaa hadda deggan inkasta oo ay dhawaan ka dhaceen xasuuq loo geystay dad shacab ah oo Liyuu Boolisku ku laayeen deegaankaas oo hoostaga Degmada Xarshin ee Soomaaligalbeed.
Sannadkan sii dhammaanaya ayaa noqonaya mid ay dhaceen dhibaatooyin u badan colaado u dhexeeya qabaa’il Soomaaliyeed kuwaas oo intq badan isku haysta dhul.
Colaado ayaa ka taagan Deegaanno ka tirsan Mudug, Ceelbaraf, Ceerigaabo, Qorilugud, Dacawaley iyo meelo kale oo ka tirsan deegaannada Soomaalida.