Somaliland: Ictiraaf meel walba waan u galaynaa laakiin cadaabta u gali mayno.

Sunday January 05, 2025 - 15:07:37
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Wasaaradda Dibedda ee Xukuumadda Cusub ee Somaliland oo maanta la kulmay qaar kamida Golaha Wakiillada ee maamulku ayaa ka hadlay arrimo la xiriira MoU-gii Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiirka oo la waydiiyey sida uu u arko MoU-gii sannadkii hore bishan oo kale ay kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy ayaa yiri "ilaa immika ma jirto meel aan ku aragnay MoU-gaas aan ka ahayn intii aan ka maqalney Muuse Biixi iyo Itoobiya”.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay ictiraafka meel walba u galayaan laakiin aanay cadaabta u galayn ama dalka u xaraashayn.

"Ictiraaf meel walba waan u galaynaa laakiin ictiraaf cadaabta u gali mayno umaddayadana u baabiin mayno...haddii aan waddankeenna iyo khayraadkeenna dadkale siinno laakiin lana ictiraafo macno samayn mayso” Wasiirka Dibedda SL

Waxa kale oo uu intaa ku darey keliya in ay MoU-ga aqbalayaan haddii uu danta maamulka Somaliland ka turjumayo. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Xukuumadda Federaalku ay heshiis la gashey Itoobiya kaas oo Itoobiya loogu oggolaaday marin badeed.

Geesta kale wareegto maanta uu wasiirku kasoo saaray xafiiskiisa ayuu shaqooyinkii ay ay hayeen kaga cayriyey dhammaan la-taliyeyaashii wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

La-taliyeyaasha cawda loo jaray ayaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa 5 la-taliye. waxaana wareegtada lagu xusay in laga maarmay shaqadii ay ka hayeen wasaaradda.

Heshiiska Somalia-Ethiopia waxa dhexdhexaadiye ka ahaa Turkiga. Dhanka kale Wasiirka Dibedda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ay hab dublomaasiyadeed u dhammeeyeen khilaafkii badda ee Itoobiya iyo Soomaaliya. 

Wasiirka Dibedda DF waxa uu xusay in haddii ay hore u diideen Itoobiya in ay la fariistaan ay go’aankoodaas wax ka beddeleen. "Diblomaasiyadda iinyow kuma jirto” Fiqi

Isku soo wada duuboo siyaasadda Soomaalida ayaa inta badan ku dhisan laablakac iyo dano shakhsi ah taas oo aan cidina ka fekerin waxa ka dhalan kara go’aannada sida khaldan loo qaadanayo.

Related Items

Update cookies preferences