Ciidanka Booliska maamulka Somaliland ayaa war qoraal ah ka soo saarey labo qof oo saaka meydkooda laga helay baabuur dhexdii.
Labada ruux oo kala ahaa wiil iyo gabar ayaa noqotey dhacdo lama filaan ah ka dib markii la sheegay in aan wax dhaawac ah jirkooda laga helin.
Labada ruux ayaa wararku sheegayaan in loo qaadey Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ku yaalla.
"Taliska guud ee Ciidanka Booliska SL, waxa uu gacanta ku hayaa baadhista kiiska laba marxuum oo saaka laga helay maydkooda gaadhi dhexdii degmada Gacmo-dheere ee Hargeysa.
Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto, waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ciidanka maamulka.
Ilo wareedyada maxalliga ah ee Somaliland ayaa sheegaya in wiilka geeryooday uu ka tirsanaa Ciidanka Somaliland.