Xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo dhulboobka Xarkaha goostay ee ka dhanka ah xarumaha danta guud iyo guryaha dadka shacabka ah leeyihiin ayay qeylla-dhaan cusub soo saareen siyaasiyiin iyo xildhibaanno katirsan DF-ka.
Warsaxaafadeed ay soo saareen Xasan Cali Kheyre R/wasaarihii hore ee kooxda Riddada,shariif sheekh Axmed oo horay DF madaxweyne ugasoo noqday iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayay ku sheegeen in Xasan Gurguurte uu wado dhulboobkii ugu xooganaa taariikhda Soomaaliya islamarkaana lagacan marsaday dhulal ay lahaayeen dad shacab ah.
Siyaasiyiinta ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka in ay lacago malaayiin Dollar ah ka sameynayaan dhulboobka oo xooggiisa ka socda gudaha magaalada Muqdisho, waxay uga digeen ganacsatada waaweyn ee ku lugta leh dhulboobka in hantidooda ay iska geliyaan dhulal booli ah haddii ay taas sameeyaana ay ku khasaari doonaan.
"Haddaba waxaan uga digaynaa ganacsatada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan in dhulalkaas laga iibiyay laboobay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnahan katirsan DF-ka ayaa Xasan Gurguurte ku eedeeyay in uu dalka ka wado boob dhaqaale iyo khalalaasa siyaasadeed iyagoo carrabka ku adkeeyay in waxa socda ay yihiin Booli Qaran oo ay ula jeedaan hanti boobka lixaadka leh ee caasimadda ka socda.
Dhinaca kale waxaa weli degmooyinka gobolka banaadir ka socda iskusoo baxyada ay dhigayaan dadka shacabka ah ee guryahoodii lagasoo barakiciyay kuwaas oo aan haysan meel ay hoy ka dhigtaan.
Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon ayaa lagu arkayay qoysas iyagoo joodariyaal wata wadada dhaxdeeda degay sababa laxiriira iyagoo aan haysan meel ay degan kadib markii guryahoodii cagaf lageliyay.
shacabka danyarta ah ee dhulalkoodi laboobay ayaa Xasan Gurguurte iyo madaxda DF-ka ugu baaqay in ay joojiyaan dhulboobka ah waxayna isweydiiyeen waxa ay bulshada Muqdisho mowqif mid ah uga qaadan la'dahay dulmiga lagu hayo.
Maalin walba waxaa magaalada Muqdisho warbaahinta kula hadla qoysas ka cabanaya dhulboobka oo gaaray meeshii ugu xumaa,mas'uuliyiin kooxda ridada ayaa lacagaha ay ka helaan dhulboobka usameystay akoonno gaar ah.
dadka waaya joogga ah ee ku sugan gobolka Banaadir waxay sheegayaan in wax lamid ah dhulboobka hadda socda uusan taariikhda soo marin dalka Soomaaliya.