Maleeshiyaad ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa hanjabaad culus u diray hoggaamiyaha maamulkaasi C/Casiis Laftagareen.
Muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada ayay maleeshiyaadkani ku muujiyeen cabasho xooggan oo ay ka qabaan madaxa maaamulkaasi oo ay ku eedeeyeen in uu daacay.
Waxay nasiib-darro ku tilmaameen in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu damaashaad isaga jiro xilli iyaguna ay gaajo u dhimanayaan.
Waxay shaaciyeen in Laftagareen uu habeen hore dhigtay xaflad ay ku baxday boqollaal kun oo Doolar, xilli ay ku dhibaateysan yihiin duurka oo mushahar la’aan iyo sahay la’aanba ku haysato.
Maleeshiyaadkan oo jooga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey Gaajjo baahsan oo ku habsatay, taas oo sanado badan ay la aamusnaayeen sida ay sheegeen.
Waxay carabaabeen in xaalkoodu culus yahay oo ay gaajo u dhimanayaan, iyagoo muddo 24-saac gudahood ah u qabtay in Laftagareen uu kaga soo jawaabo cabashadooda.
Maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa maamullada kale ee dab-dhilifyada ah ayaa caan ku ah dhaca, boobka iyo kufsi baahsan oo ay ka geystaan goobaha ay joogaan.