Aqalka Congress-ka oo soo jeediyey in Mareykanku xafiis ka furto Hargeysa.

Sunday January 19, 2025 - 07:14:04
Liibaan Jeexoow
Guddi hoosaadka Aqalka Wakiillada ee Mareykanka u qaabilsan ka talo bixinta arrimaha la xiriira Shiinaha ayaa soo jeediyey in Mareykanku xafiis ka furto maamulka goonni goosadka ah ee Somaliland.
Guddidan ayaa ku sababeeyay tallaabadan mid looga hortagayo saameynta uu Shiinuhu ku yeelan karo Geeska Africa oo sare u kacdey.

"Tallaabadani waa mid aan ku hor marinayno danaha istaraatijiyadeed ee Mareykanka ee Geeska Afrika si aan uga hortagno galaangalka Shiinaha” John Moolenaar, Guddoomiya Guddi-hoosaadka.

Dhanka kale waxa guddidani waraaq u direen Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken.

Warkan ayaa soo baxaya xilli aad loo hadal hayo in ay dhici karto in Madaxweynaha la doortey ee Mareykanku aqoonsi siin karo Somaliland.

Guddidan ayaa geesta kale sheegay in soo jeedinta xafiis ka furashada Mareykan ee Hargeysi aaney ahayn in aqoonsi la siinayo laakiin ay ku kooban tahay xafiis keliya, waxaanay intaa raaciyeen in dalal kale oo ay kamid yihiin Ingiriiska, Denmarka, Kenya iyo Taiwan ay xafiisyo ka furteen Somaliland.

Maamulka la baxay Somaliland ayaa ku dhawaaqey in ay gooni isu taageen 1991 oo laga joogo dhowr iyo soddon sano.

Related Items

Update cookies preferences