Ganacsato kasoo jeedda dalka Somaliya ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Koonfur Afrika, xilli wadankaasi uu kusii kordhayo ugaarsiga lagu hayo Soomaalida.
Burcadda hubeysan ee dilalka iyo boobka hantiyeed ka gaysta dalka Koonfur Afrikaanka ah ayaa sare u qaaday beegsiga gaarka ah ee ay ku hayso dadka Soomaaliyeed, iyaga oo dilal bareer ah u gaystay nin ganacsade ah iyo hooyo Soomaaliyeed.
Saacadihii lasoo dhaafay waxay burcadda hubeysan toogasho ku dileen mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Cilmi Cawaale.
Dilkaan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafad ka tirsan Philippi oo ka mid ah degmooyinka hoos-tagta magaalada Keebtown, waxaana ninkaasi halkaas ku beegsaday kooxo hubeysan oo burcad ah.
Wararku waxay sheegayaan in dilka uu dhacay xilli uu Cabdullaahi Cilmi kusii jeeday goobtiisa shaqo, sida ay soo xaqiijiyeen ilo-wareedyo Soomaali ah.
Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliska, kuwaas oo sameeyay baaritaano aysan wax natiijo ah kasoo bixin sidii awalba looga bartay.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo Booliis ah oo isa soo tubay goobta uu dilku ka dhacay, waxaana dhowr jeer isla ciidankan lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin dilalka iyo dhaca loo gaysto ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi.
Waxay dhacdadani kusoo beegantay xilli laba maalmood ka hor sidan oo kale kooxo burcadda ah ay dhaawac daran ugu gaysteen hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Saado, taasi oo la weeraray xilli ay ku sugnayd tuulo lagu magacaabo Grabouw oo dhowr KM u jirta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Saado ayaa la lasoo wariyay in dhaawacaasi loo dhigay cisbitaal, walow markii dambe ay dhaawacaasi u geeriyootay, kooxda burcadda ah ee dilka gaysatay ayaa ka baxsatay goobta, waxayna ku dhex toogteen gaari ay wadatay.