MUQDISHO: Qarax khasaare geystay oo xalay lagu weeraray maleeshiyaadka DF Soomaaliya.

Tuesday January 21, 2025 - 11:06:47
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya weerar qarax ah oo xoogagga Al-Shabaab ay xalay ku weerareen maleeshiyaadka Xasan Gurguurte.
Qaraxan oo lagu soo warramayo inuu ahaa mid aad u culus ayaa lala beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa isbaarada Shabeelle ee duleedka caasimadda Muqdisho.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkii la weeraray.

Weerarrada lagu dhiig-bixinayo maleeshiyaadka daba-dhilifka ah ee dawladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay ayaa si joogta ah uga socda dalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences