Waxa magaalada Ankara ee dalka Turkiga dib uga furmay wareeggii koowaad ee shirkii farsamo ee loo ballansanaa in la qabto bishan February ee aynu ku jirno.
Wasiirka Dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa sida Wakaaladda Wararka ee Turkigu ku warrantey shirar gaar-gaar ah la galey xubnihii wasiirrada ahaa ee ka kala socday Soomaaliya iyo Itoobiya.
Fidan ayaa ka dhawaajiyey in marxaladda cusub ee wadahadalladani galeen tahay mid guul ah kana wacan sidii hore.
Waxa uu Fidan hoosta ka xarriiqay in kulankan ay ka soo baxeen fursado dib u qaabayn kara Geeska Afrika kuwaas oo caqabadaha hadda u beddeli kara fursado.
Fidan oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxey in heshiiska Ankara uu noqon doono aragti siyaasadeed oo qaaradda tusaale u noqon doona.
Heshiiskii Ankara ee bartamihii bishii December ee 2024 ayaa lagu go’aansadey in Itoobiya la siiyo marinkii badeed ee ay xoogga ku rabtey taa beddelkeedana ay aqoonsato madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Arrinka yaabka leh ayaa noqday in Soomaaliya lixdan sano ka dib Itoobiya ka rabto "aqoonsi”.
Itoobiya waxa ay sannadkii tagey bilowgiisii heshiis Is-Afgarad la saxiixatey Somaliland kaas oo ay sheegtay in ay "aqoonsi” kala baadi-goobi doonto waddamada dunida.
Tan ayaa culeys siyaasadeed ku keentay Itoobiya. Itoobiya waxa ay heshiiska siyaasadeed ka laabatey markii Muuse Biixi looga guuleystay Doorashadii Somaliland, taas oo sababtey in uu dhaco heshiiska Ankara.
Isku soo wada duub oo Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay Soomaaliya keeni doonto maraakiibteeda iyada oo heshiiskii Ankara u beddeli doonta ficil, waxa se aan weli la garanayn dekadda la siin doono.
Wasaaradda Dibedda Itoobiya ayaa dhawaan faafisay khariirad cusub oo ay maabkeeda dhexgalisay gobollada bartamaha Soomaaliya xiga sida Mudug.