Wasaaradda Deegaanka ee maamulka goonni-goosiga ah ee Somaliland ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya Booliska ay qabteen koox ka ganacsanaysay xayawaanka duur-joogta ah ee loo yaqaan Haramcadka.
Booliska ayaa ka dhawaajiyey in ay gacanta ku soo dhigeen ilaa afar dhalood oo yaryar oo xayawaanka fahadka loo yaqaanno ah kuwaas oo la beecinayey.
Maamulka ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay ka ganacsiga duurjoogtu xilli ay jiraan kooxo ka ganacsada xayawaannada tirada yar ee duur-joogta ah ee ku haray guud ahaan dhulka Soomaalida.
Duurjoogta ayaa ku badnayd dhulka Soomaalida xilliyadii hore laakiin waxa inta badan cayriyey dagaallada sokeeye iyo abaaraha soo noqnoqday ee Soomaaliya.
Mararka qaar waxa la arkaa dad ajaanib ah oo guranaya qaar kamid ah xayawaannada duurjoogta ah ee ku nool dalka taas oo dhibaato ku ah deegaanka.