RW Xamza oo cayrinaya saddex wasiir si uu uga gaashaanto mooshin ka dhan ah xukuumaddiisa.

Wednesday February 19, 2025 - 18:04:27
Liibaan Jeexoow
Xilli ay kordhayaan xildhibaannada baarlamaanka DF-ka ee doonaya in larido xukuumada Xamza Cabdi Barre ayay soo baxayaan warar sheegaya in la ceyrin doono wasiirro si aad ah ugu dhow Xasan Gurguurte.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in R/wasaaraha xukuumadda Federaalka uu wado qorshayaal uu ku ceyrinayo illaa iyo sedax wasiir oo katirsan xukuumaddiisa kuwaas oo colaadi ay kala dhaxayso inta badan xildhibaannada mucaaradka ah.

Si xukuumadda looga badbaadiyo mooshinka laga gudbiyay ayuu Xamze doonayaa in uu casilo wasiirka gaasnaadhigga ninka lagu magacaabo Cabdulqaadir Tiktik,wasiirka caafimaadka iyo haweenayda hoggaamisa wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid uu isku badbaadin karo RW balse lama oga sida uu Xasan Gurguurte u ogolaan karo ceyrinta sedaxdan wasiir oo kuraasta ku jooga rabitaankiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xamze Cabdi Barre uusan awood ulaheyn ceyrinta wasiirka gaashaandhigga oo ah dabadhilif daacad u ah dowladda Imaaraatka waxaana ninkan lagu sheegaa in uu Imaaraatka wakiil uga yahay galka arrimaha Soomaaliya.

Boqolaal xildhibaan oo katirsan DF-ka ayaa xusulduub ugu jira sidii ay ansax uga dhigi lahaayeen mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Xamza Barre

Related Items

Update cookies preferences