Taliyihii ugu sarreeyay ciidanka Yahuudda iyo saraakiil kale oo is-casilaad ku dhawaaqay.

Wednesday January 22, 2025 - 11:05:06
Liibaan Jeexoow
Saraakiishii ugu sarraysay ciidanka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay iscasilaad lama filaan ah maalmo kadib markii xabad joojin looga dhawaaqay magaalada Qaza ee dhulalka Falasdiin.
Hertzi Halevi oo ahaa taliyaha guud ee ciidanka Yahuudda ayaa iscasilay, war qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in casilaaddiisu ay salka ku hayso guuldarrada dagaalka Qaza iyo fashilka ka hortagga weerarkii 7 October 2023.

Wuxuu xaqiijiyay in qaadanayo mas'uuliyadda askartii iyo saraakiishii lagu laayay weerarkii Duufaanta Al Aqsaa "waxaan qaadanayaa mas'uuliyadda weerarkii 7 October 2023,maalinba maalinta ka dambeysa waxaan dareemayaa weji gabaxa aan arrintaas kala kulmay" ayuu yiri Hertzi Halevi .
Dhinaca kale waxaa isna iscasilaad ku dhawaaqay Jeneraal Yaron Finkelman oo ahaa taliyaha qeybta Koonfureed ee ciidamada Yahuudda, ninkan ayaa isna qaatay mas'uuliyadda in uu ka gaabiyay ka hortagga weerarada muqaawamada.

Warbaahinta maxalliga Yahuudda ayaa baahisay suurtagalnimada in ay is casilaan saraakiisha ugu sarraysa guutada 8200 oo qaabilsan arrimaha sirdoonka Melleteriga Yahuudda kuwaas oo ku fashilmay in ay xog ka keenaan dagaalyahannadii fuliyay howlgalkii Duufaanta Al-Aqsaa.

Yahuudda ayaa lakulantay laba guuldarro oo kala ah 1.in ay ka hortagi waayeen howlgalkii Duufaanta Al-aqsaa 2- iyo in ay awoodi waayeen burburinta xoogagga muqaawamada ugu dambeyna waxay ku qasbanaadeen in ay wadahadal kusoo daystaan maxaabiista laga qabsaday.

Related Items

Update cookies preferences