C/Salaan Guuleed oo horey u soo noqday taliye-ku-xigeenka hey'adda maleeshiyaadka sirdoonka ee NISA ayaa shaaca ka qaaday khataro waaweyn oo ka dhan ah ummadda Soomaaliyeed oo kaga soo wajahan dhanka dawladda Xabashida Itoobiya.
Guuleed oo soo xiganaya warbixinno ay soo saareen hey’adaha FAO, SWALIM iyo Magazine-ka "Hydrological Sciences Journal” ayaa sheegay hoos-u-dhac ballaaran oo ku socda biyaha webiyada Soomaaliya ee Shabeelle iyo Jubba, kadib markii Itoobiya ay xirtay biyihii webiyadaasi kuna leexisay biyo-xireenno waaweyn oo kii u dambeeyey uu dhawaan daah-furay Abiy Axmed.
Xirista biyaha webiyadaasi oo si weyn u dareensan yihiin dadka isticmaala webiyada ayuu sheegay inay ka dhalan doonaan gaajo iyo macaluul baahsan oo lasoo derista ummadda Soomaaliyeed maadaama inta ugu badan noloshoodu ku tiirsan tahay wax-soo-saarka iyo dalagga beeraha, oo haatan halis ugu jira biyo la’aan.
Khatarta kale ee Xabashida Itoobiya ugu talo-gashay ummadda Soomaaliyeed ayaa ah in xilliyada ay da’aan roobabka waaweyni ay mar kaliya soo fasaxdo biyaha, waana sababta inta badan keenta ayuu yiri daadadka ba’an iyo fatahadaadaha beryahan dambe kusoo badanaya Soomaaliya oo khatar ku ah dalagga ku baxa biyaha roobka.
Waxa uu sheegay in Afarta Sano ee soo socota ummadda Soomaaliyeed 70% ay wajihi doonaan cunto-la’aan baahsan iyo macaluul daran oo waligeed socon doonta. Maadaama inta ugu badan nolosha iyo wax-soo-saarka ummadda Soomaaliyeed ku tiirsan tahay labadaasi webi ee Shabeelle iyo Jubba.
C/Salaan Guuleed ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in Itoobiya ay rabto in gaajo iyo macaluul ay ku layso dadka Soomaaliyeed, isla markaana arrintaasi aanay waxba kaga duwanayn weerarro dhanka millateriga ah oo ay kusoo qaaddo ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Guuleed waxa uu ka dhawaajiyey in Soomaaliya oo la il-daran cuna-qabatayn dhanka Webiyada ah, isla markaana mustaqbalka dhow halis ugu jirta macaluul iyo gaajo daran ay sidoo kale kusoo fool leedahay cuna-qabatayn dhanka Badda ah haddii Itoobiya loo ogolaado inay qaadato qaybo ka mida Badda Soomaaliya.
Waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya qorshaheedu aanu ahayn oo kaliya xirista biyaha webiyada balse ay sidoo kale ku talo-jirto sidii ay Somaliya uga soo xiri lahayd dhanka Badda iyo marinka adduunka ee muhiimka ah ee Baabul-mandab.
C/Salaan Guuleed ayaa ugu dambayn qiray in madaxda maamullada daba-dhilifyada ah ee ka jira Soomaaliya ay ka shaqeeyaan oo kaliya danaha dawladda Xabashida Itoobiya, kana fikiraan sidii ay mar walba isaga xaadirin lahaayeen Addis Ababa.