Wararka ka imanaya koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya qarax xooggan oo lala beegsaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka gardarrada ah ku jooga dalka.
Qaraxan oo ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ayaa si gaar ah loogu weeraray askar ka tirsan Xabashida Itoobiya, xilli ay kusii jeedeen garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 3 askari oo Itoobiyaan ah ay dhinteen, 8 kalen ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo gabi ahaanba burburiyey baabuur ay la socdeen oo noociisu ahaa Uuraal.
Weerarrada dhiig-baxa ah ayaa si joogta ah ugu socda ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo maleeshiyaadka ku daabban ee fuliya danaha shisheeye.