Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya dagaal culus oo maanta dhex-maray xoogagga Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka DF Somaliya.
Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay wararku tibaaxayaan in si weyn loogu jabiyey maleeshiyaadka dawladda, kaas oo gelinkii hore ee maanta ka dhacay duleedka degmada Buulaburde.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 13 isugu jira askar iyo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka dawladda, kuwaas oo 9 ka mid ah maydadkooda looga cararay goobta dagaalka.
Saddex ka mid ah saraakiisha lagu dilay dagaalkan oo magacyadooda aanu helnay ayaa kala ah, Maxamed Guudow, Cilmi Cabdulle iyo Ciise Xasan Jiis.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka dawladda laga dhaawacay ugu yaraan 25 askari, isla markaana laga gubay gaari Cabdi Bile ah oo uu lahaa Cali Jayte oo qayb weyn ku lahaa abaabulka dagaalkan.
Xogo dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in xoogagga Al-Shabaab ay dagaalkan maanta kusoo furteen ilaa 5 qori oo noocoodu yahay AK47.
Maalmahan waxaa qaybo ka mida gobolka Hiiraan ka socday abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay wadeen calooshood-u-shaqaystayaal ay ka mid yihiin Cali Jayte oo Macawisleyda u qaabilsan Gurguurte iyo Sanbaloolshe oo ah madaxa jawasiista NISA, kuwaas oo mirihii dagaalkaasi goostay maanta oo Isniin ah.