Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ee gacansaarka la leh Mareykanka ayaa xaley dalkaasi ku rogey "Martial Law" xaalad millateri.
Madaxweynaha dalkaasi ninka lagu magacaabo Yoon Sukyeol waxa uu tan ku sababeeyay in uu qayb ka yahay qorshe waddanka lagaga badbaadinayo Shuuciyiinta Waqooyiga Kuuriya oo raba in ay dalkaasi ka takhallusaan.
Hadalka cusub ee madaxweynaha dalkaasi ka jeediyey warbaahinta ayaa lama filaan ku noqday dadka ku nool dalkaas.
Lix kamida xisbiyada mucaaridka ee dalkaasi ayaa baarlamaanka horgeeyay mooshin maamuus ka xayuubin ah oo madaxweynaha xilka looga qaadayo.
Dhanka kale aqlabiyadda Baarlamaanka Koonfurta Kuuriya ayaa laaley xeerka uu xaley madaxweynaha K. Koonfureed galiyey dalkiisa.
Wakaaladda Wararka ee Yonhap ayaa werisay in markiiba ciidamadu ay qorsheeyeen in ay xayiraan warbaahinta xorta ah ee dalkaas iyo waliba dadka arrimaha bulshada ka shaqeeya(activists).
Xaaladdan cusub ee dalkaas la galiyey waxa ay noqonaysaa in keliya madaxweynuhu wuxuu rabo fali karo askartuna ay amar u haystaan in ay laayaan ciddii ka hor timaadda sharci lagu xakameeyo ama lagu maxkamadeeyaana aanu jiri doonin.