Dad ka badan 120 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed.

Sunday December 29, 2024 - 11:24:31
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 122 qof oo rakaab ah ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo barqadii saaka oo Axad ah ka dhacay magaallada Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed.
Shilkan ayaa yimi kadib markii diyaaraddu ka baxday dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, kuna dhacday derbi, isla markaana uu Dab ka kacay sida ay soo tebisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed.

Diyaaraddan oo lagu magacaabo Jeju Air, nooceeduna yahay 7C2216, ayaa kasoo duushay caasimadda Thailand ee Bangkok, waxaana saarnaa 181 qof, sida ay sheegtay wasaaradda gaadiidka ee Kuuriyada Koonfureed.

Muuqaallo ay baahiyeen TV-yada maxaliga ah ayaa muujinaya diyaaradda oo isku dayaysa in ay soo degto balse si qarda-jeexa u siqaysa dhulka, iyadoo ku dul-dhacday darbi shub ah ka hor inta aysan qarxin, kadib-na uu dab ka kacay.

Gebi ahaanba waa ay burburtay diyaaraddu, waxaana loo badinayaa dadkii saarnaa in ay dhinteen marka laga reebo 2 qof oo kaliya oo oo laga soo saaray qaybta dambe ee diyaaradda sida uu sheegay madaxa dab-damiska Muan Lee Jung-hyun.

Labadan qof ee lasoo badbaadiyay ayay wararku sheegayaan inay ka mid ahaayeen shaqaalaha diyaaradda, kuwaas oo uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan laguna daweynayo cisbitaal ku yaal Mokpo.

Si dadka dhintay loo dhigo ayaa goob maydadka lagu kaydiyo laga sameeyey gudaha garoonka diyaaradaha ee Muan. Waxaanay wararku tibaaxayaan in dadka dhintay u badan yihiin Kuuriyaan marka laga reebo laba nin oo Thailand u dhashay.

Shilkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ku yimaada diyaarad laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed tan iyo 1997-kii oo diyaaradda Korean Air ay ku dhacday Guam, kuna dhinteen in ka badan 200 oo qof, sida lagu sheegay xogta wasaaradda gaadiidka ee Kuuriyada Koonfureed.

Related Items

Update cookies preferences