Kooxaha M23 oo la wareegay mid ka mida magaalooyinka ugu muhiimsan Bariga Koongada Dimuquraadiga ah.

Monday January 06, 2025 - 09:19:47
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Koongada Dimuquraadiga ah ayaa sheegaya in kooxaha mucaaradka ah ay horumar ballaaran ka sameeyeen dagaallada ka socda bariga wadankaas iyagoo qabsaday degmo muhiim ah.
Siyaasiyiin maxalli ah ayaa sheegay in fallaagada M23 ee ay taageerto Rwanda ay qabsadeen magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla bariga Congo, meel u dhow caasimadda gobolka ee Goma.

Jabhadda M23 oo ay hogaamiyaan dadka Tutsi-ga ah waxay dagaal hubeysan ka wadeen bariga Congo tan iyo sanadkii 2022. Dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay waxay ku eedeeyeen Rwanda oo deriska ah in ay taageerto kooxdan fallaagada ah oo ay siiso ciidan iyo hub. Rwanda dhankeeda waxay sheegtay in ay qaadday wax ay ugu yeertay tallaabooyin isdifaac ah.

Xildhibaan goboleed Alexis Bahunga ayaa sheegay in dagaallada toddobaadyadii lasoo dhaafay socday ay sababeen horumar dhuleed oo ay sameeyeen fallaagada M23, kuwaas oo hadda maamulaya magaalada iyo xarunta maamulka ee Masisi oo qiyaastii 80km u jirta Goma.

Wuxuu yiri, "Dowladdu waxay qaadi doontaa tallaabooyin lagu soo celinayo awoodda dowladda ee dhulka oo dhan ” ,Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Jean Pierre Ayobangira Safari ayaa sheegay in Masisi hadda laga qabsaday dowladda. Afhayeenka militariga ayaan si degdeg ah uga jawaabin arrinta, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Magaalada Masisi ayaa leh muuhimad weyn waxaana ku dhow godad laga qodo macdanta qaaliga ah ee loo yaqaan Almaas,sidoo kale magaaladan ayaa leh kaabayaal dhaqaale waxaana ku badan qabiiilka Tutsiga.

Dalka Koongada Dimuquraadiga oo ah dalka 2aad ee ugu weyn qaaradda Afrika waxaa ka jirta xaalad deganaanshiyo la'aan ah oo ay sababeen dalalka shisheeye ee guranaya kheyraadkiisa.

Related Items

Update cookies preferences