Ganacstada gaadiidleyda shidaalka ee Puntland oo shaqo-joojin sameeyey.

Sunday January 05, 2025 - 11:16:01
Liibaan Jeexoow
Gacansatada iska leh gaadiidka booyadaha shidaalka ee ka shaqeeya gudaha Puntland iyo deggaannada kale ee Soomaaliyeed ayaa cabasho ka muujiyay, canshuur kordhin uu ku soo rogay maamulka Puntland.
Qaar badan oo ka mida baabuurta qaadda shidaalka ayaa sameeyey shaqo-joojin, taas oo si weyn looga dareemay magaallada Boosaaso oo kantaroolkeeda galbeed lagu hakiyey booyado fara badan oo diiday inay bixiyaan canshuurtan oo sida la sheegay afar jibbaar ka badan tii horey looga qaadi jiray.

Baabuurtan xamuulka ah ee waaweyn ayaa cashuurtoodu ahaan jirtay sannadkiiba hal mar $ 146 Dollar, isla markaana markasta oo ay shidaal qaadaanna laga qaadi jiray $ 80 Dollar oo cashuurta badeecad ah, sida mulkiileyaasha baabuurtu ay warbaahinta u sheegeen.

"Waxaan la kulanay, waxaan u aragnay cashuur-kordhin inaysan ahayn ee ay tahay ciqaab, taasoo ah gaarigii la cashuuri jiray sannadkii hal mar $ 146, in la yiri afar jeer baa la cashuurayaa…” ayuu yiri mid ka mida mulkiileyasha gaadiidleyda Shidaalka.

Ganacsatadu waxay shaaca ka qaadeen in ay baabuurtoodu ay sii wadayaan shaqo-joojinta oo ay taagnaanayaan tan iyo inta laga soo jawaabayo cabashada ay qabaan ee ku saabsan cashuurtaasi xad-dhaafka ah.

Sidoo kale ganacsatadan gaadiidleyda shidaalku waxay carabaabeen in cabashadooda ay u gudbiyeen dhammaan hey’adihii ay khusaysay, wax ka hoos-qaadana ay waayeen, isla markaana muddo dhawr cisho ah baabuurtoodu xanniban yihiin iyadoo weliba qaarkood ay raran yihiin.

Maamullada daba-dhilifyada ah ee shisheeyuhu ku adeegto ayaa dhibaato xooggan oo dhan walba ah ku haya bulshada muslimka ah ee Soomaaliyeed. Waxaana ka mida lacagaha baadda ah ee ganacsatada ay dul-dhigaan.

Related Items

Update cookies preferences