Duufaan xooggan oo dabayllo wadata ayaa Axaddii shalay ilaa maanta oo Isniin ah garaaceysa ku dhawaad 30 gobol oo ku yaalla bartamaha iyo bariga dalka Mareykanka iyo sidoo kale qaybo ka mida qaaradda Yurub.
Sida ay wararku tibaaxayaan duufaantan ba’an ayaa ku wajahan guud ahaan Maraykanka, gaar ahaan gobollada dhexe ee Atlantic-ga oo ay ku dhufatay duufaan isugu jirta dabayllo, baraf iyo roob dhibicdiisu aad u qabowdahay.
Dhammaan waddooyinka waaweyn ee waqooyi bari Kansas ayaa la xiray fiidnimadii Axadda, taasoo sababtay in isu socodka dadku uu joogsado meelaha qaar, sida Wargeyska New York Times uu kasoo xigtay waaxda gaadiidka ee gobolka Kansas.
Gegida diyaaradaha ee magaalada Kansas ayaa xirmay Axadii shalay, waxaana baraf darteed loo baajiyey ku dhawaad 275 duullimaad, sida ay warbaahinta u sheegtay afhayeen u hadashay garoonka caalamiga ah ee St. Louis Lambert.
Garoonnada kale ee ay ka mid yihiin Indianapolis, Cincinnati iyo Waqooyiga Kentucky ayaa la sheegayaa in mid waliba uu baajiyey wax ka badan 100 duullimaad, sida ay New York Times kasoo dheegatay goobta daba-galka duullimaadka ee Flight Aware.
Dad ku dhow 100 Kun oo qof ayay koronto la’aan ku heshay gobollada Kentucky, Illinois, Indiana iyo Missouri, sida laga soo xigtay shabakadda daba-galka ee Power Outage. Waxaana albaabada la iskugu dhuftay meherado fara badan.
Ciidanka ilaalada wadooyinka ee gobolka Missouri ayaa Axadii shalay shaaca ka qaaday in ay dhaceen shilal baabuur oo gaaraya 285 shil, iyadoo xaalad deg-deg ah ay ku dhawaaqeen gobollo ay ku jiraan Arkansas, Kansas, Kentucky, Missouri, Virginia, Maryland, New Jersey iyo West Virginia.
Qaybo ka mida dalka Maraykanka ayaa la saadaaliyey in duufaantani sababi doonto di’ista barafkii ugu cuslaa muddo toban sano ah. Iyadoo geesta kalena laga digay dabaylo ka badan 40 Mayl saacaddii, iyo Baraf gaari kara 15 inji.
Dhanka qaaradda Yurub, waxaa iyadana laga soo tebinayaa oo ka dhisaalan khalkhal baahsan oo uu keenay baraf xooggan iyo roobab aad u qabow oo sababay dibu-dhac ballaaran iyo hakad ku yimi isu-socodka gaadiidka. Waxaana ugu daran oo xaaladdani ay si weyn u saamaysay dalka Jarmalka.
Gegida dayuuradaha ee Frankfurt ayaa Axaddii shalay baajiyay 120 diyaaradood oo isugu jiray kicin iyo dejin. Sidoo kalena waxaa xayiraad lagu soo rogay howlihii duulimaadka ee garoonka diyaaradaha Munich, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen hawl-wadeenno ka tirsan garoonnada diyaaradaha.