Macron iyo Abiy oo guul taariikhiya ku sifeeyey damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Sunday December 22, 2024 - 10:51:22
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sabtidii shalay booqasho ku tagay magaallada Addis Ababa waxaanu kulan la qaatay R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Abiy ayaa soo dhoweeyay Macron, ugana mahad-celiyey booqashadiisa oo ah markii labaad ee Itoobiya uu tago muddo lix sano gudahood ah.

"Walaal iyo saaxiib wanaagsan oo Itoobiya leedahay” ayuu Abiy Axmed ku tilmaamay Faransiiska mar qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa "X”.

Abiy ayaa sidii kale yiri "Kulankayaga labada dhinac ee Madaxweynaha Emmanuel Macron ayaan kaga wada-hadalnay arrimo badan oo labada dhinac ah iyo kuwo caalamiya”.

Qodobada sida gaarka ah loo dul-istaagay ayaa waxaa ka mida damaca Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin-badeed ay ka xayuubsato gayiga Soomaaliyeed.

Macron iyo Abiy ayaa wada-jir hoosta uga xariiqay in damaca Itoobiya ee Badda Soomaliya uu yahay guul taariikhiya oo xaqiijinteeda iska kaashan doonaan.

"Faransiisku wuxuu taageersan yahay raadintayada marin-badeed si nabad iyo sharci ah" ayuu yiri Abiy, isagoo faahfaahinaya waxyaabihii ay wada-gorfeeyeen Macron.

Shir jaraa’id oo wada-jir u qabteen ayuu Macron kusoo dhaweeyay heshiiskii Ankara ay ku kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Xasan Gurguurte ee 11-kii bishan December.

M/weyne Macron ayaa booqashadiisii tan ka horreysay ku sheegay in Itoobiya uu ka taageeri doono ilaalinta kaniisadaha, dhan xirfadeed iyo dhan maaliyadeedba.

Itoobiya iyo Faransiiska ayaa leh xiriir qoto-dheer oo Islaam-la-dagaallan ah. Waxaana jira heshiisyo dhanka difaaca ah oo ay horey u wada-galeen.

Booqashada M/weynaha Faransiiska ayaa kusoo aadaysa xilli Itoobiya ay xusul-duub ugu jirto sidii ay xoog ama xeelad ugu qaadan lahayd qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliyeed.

Related Items

Update cookies preferences