Maalinkii shaley ee ina dhaaftey waxa deegaannada Cafarta ka dhacey dhulgarriir fulkaano/dab watey.
Meelihii uu dabku ka kacey ayaa muddo ka dib biyo ka soo burqadeen. Dadka deegaannadaas ku sugan ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen dhulkaas oo muddooyinkii u dambeeyay xaaladdaas cimilo laga dareemayay.
Waxa jirta aragti sheegaysa in dhulka Itoobiya haysato bad ka dhex dillaaci doonto taas oo aan cilmi ahaan loo xaqiijin. Aragtidan ayaa sheegaysa in dhulka Soomaalidu gebi ahaantiis uu noqon doono jasiirad ay dhinacyada oo dhan biyo ka xigaan.
Warsame Warfaa