Reysal Wasaaraha Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa saaka tagey magaalada Jigjiga ee xarunta u ah maamulka Mustafe Cagjar ee Itoobiya gumeysato. Abiy oo maalinkii shaley marey magaalada Godey waxa uu halkaa hadal ka jeediyey.
Abiy ayaa loo badinayaa in safarkiisani khuseeyay dagaal maalmihii ina dhaafey ka dhex qarxey dad shacaba iyo malleeshiyada Liyuu Boolis.
Dadka u dhuun daloola ama si dhow ula socday arrinkii Dacawaley ayaa sheegaya in dhimashada labada dhinac marka laysku daro aaney ka yarayn 400 oo qof intii ay taagnayd colaadda Liyuuga iyo shacabka deegaanku.
Si kastaba ha ahaatee imaanshaha Abiy ee deegaanka Soomaalida ayaa u muuqda in uu xaaladdaas la xiriiro.
Dowladda Itoobiya ayaa geesta kale la saadaalinayaa in ay kamid noqoto howlgalka cusub ee AUSSOM ee loogu yeero nabad ilaalinta.
Soomaaliya ayaa horey u codsatey in aan Itoobiya laga qayb gelin mashruuca Reergalbeed ee AUSSOM laakiin heshiiskii Ankara ka dib waxa caddaatey in Soomaaliya ka soo dabacdey.
Soomaaliya ayaa horey u codsatey in aan Itoobiya laga qayb gelin mashruuca Reergalbeed ee AUSSOM laakiin heshiiskii Ankara ka dib waxa caddaatey in Soomaaliya ka soo dabacdey.
Warsame Warfaa