Weerarro xalay ka dhacay Koonfurta Soomaaliya oo lagu beegsaday Ciidamada Shisheeye iyo Maleeshiyada DF.

Monday December 23, 2024 - 08:04:27
Liibaan Jeexoow
Waxaa socda hawl-gallo ay xoogagga Al-Shabaab ku beegsanayaan soo-duulayaasha afrikaanta iyo daba-dhilifyada ku daabban oo ka socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa xalay ka dhacay qaraxyo xooggan oo lala beegsaday saldhigga maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Balcad.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaryadaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka la weeraray, 5 kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha maleeshiyada Gurguurte Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha jawaasiista NISA, Cabdillaahi Sanbaloolshe ayay wararku tibaaxayaan in xilliga qaraxu dhacayay ay joogeen meel aan ka fogayn saldhigga la weeraray.

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo lagu miray xerada ciidamada Uganda ee degmada Jannaale.

Gobolka Baay, Khasaare ayaa xalay maleeshiyaadka Laftagareen kasoo gaaray qarax lagu weeraray goob ay ku qayilayeen oo ka tirsan xaafadda Buulo Jameeco ee magaallada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa xalay weerar culus lagu miray xerada Xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Isla xalay waxaa gurigiisa lagu weeraray Cabdi Ibraahim oo ah guddoomiyaha maamulka K. Galbeed ugu magacaaban degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in guddoomiyaha oo la rabay in ajasha la dhaafiyo uu si dirqiya uga badbaaday weerarkaasi.

Gobolka Wajeer ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya, waxaa ka imanaya faah-faahinno dheeraad ah oo laga helayo qarax lagu beegsaday kolonyo ciidamo Kenyaan ah.

Ciidamadan Kolonyada ah ayaa maalmo ka hor lagu weeraray duleedka deggaanka Qarso ee hoos-taga degmada Qorof  Xaraar ee gobolka Wajeer.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 9 askari oo Kenyaan ah iyo dhaawaca 13 kale. Waxaana laga gubay 2 gaari oo kala ah Taw iyo Kooyal.

Related Items

Update cookies preferences