Hawl-galladii ugu dambeeyey ee xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen gobollo ka tirsan kuwa dhaca koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mida:
Gobolka Baay, waxaa ka dhacay hawl-gal qorshaysan oo xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Diinsoor.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey guddoomiye-xaafadeed ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Diinsoor.
Wararku waxay intaas ku darayaan in mas’uulkan la dilay lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Mayow.
Isla gobolka Baay, waxaa xalay ka dhacay qarax ay dagaalyahannada Al-Shabaab la beegsadeen saldhig ay maleeshiyaadka Laftagareen ku leeyihiin magaallada Baydhabo.
Saldhiggan la weeraray oo ku yaalla xaafadda Hareeri Kaadiyow, ayaa lagu dhaawacay askari boolis ah oo magaciisa lagu sheegay Garuun.
Gobolka Banaadir, hawl-gal qorshaysan oo ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Dayniile ee magaallada Muqdisho.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in hawl-galkaasi lagu dilay 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte ee lagu magacaabo "Waran”.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarkaasi ay xoogagga Al-Shabaab kusoo furteen 2 qori oo ay siteen askarta la laayay.