Khilaaf hadheeyey madaxda DF Somaliya oo ku saabsan in ciidanka Itoobiya lagu daro hawl-galka AUSSOM.

Sunday December 29, 2024 - 12:25:09
Liibaan Jeexoow
Warar kala duwan oo is khilaafsan ayaa kasoo baxaya mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kaddib markii la meel-mariyay xeer lagu beddelayo ciidamada ATMIS oo lagu wareejinayo ciidamada cusub ee isbahaysiga AUSSOM).
Xeerkan oo ay ansixiyeen waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS si rasmi ah loogu beddelo AUSSOM laga bilaabo bisha Janaayo 2025.

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin ciidamada cusub ee AUSSOM, isagoo tilmaamay in arrintani ay ku saleysan tahay heshiisyo cusub. 

Saacado kadib madaxa waxa loogu yeero Golaha Amniga Qaranka ee DF Somaliya ninka lagu magacaabo Xuseen Macallin oo maalmo ka hor tagay dalka Itoobiya ayaa bartiisa "X" ku sheegay in aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin arrinta ciidanka Itoobiya ayna suurta-gal tahay in ay ka mid noqdaan ciidamada cusub.

Waxa sidoo kale bartiisa X (Twitter) isna ku bogaadiyay hadalkii ninka safiirka UN-ka u jooga dowladda Federaalka wasiirka arrimaha dibada ninka lagu magacaabo Axmed Macalin Fiqi oo isna maalmo ka hor safar ku joogay dalka Masar.

Waxaa la sheegayaa in wararkan is khilaafsan ee kasoo yeeraya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya uu salka ku hayo khilaaf guud oo soo kala dhex-galay hoggaanka kooxda kaasi oo ku aaddan sida loo wajahayo kiiska Itoobiya waxayna dhinacyadan la kala safan yihiin Masar, Itoobiya, Turkiga iyo Ereteriya.

Waxaa la rumeysan yahay in is-haysadkan hadda banaanka u soo baxay uu sababo in mas'uuliyiinta qaar xil-ka-qaadis lagu sameeyo.

Mas'uuliyiinta ugu sarraysay DF Somaliya ayaa aaminsan in ciidamada Itoobiya la'aantood aysan isbuucna sii jiri karin waxayna dadaal ugu jiraan in Itoobiyaanka lagu sii haayo Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in dhinacyo ka tirsan kooxda oo ay ka mid yihiin Ninka lagu magcaabo Xuseen Macallin iyo wasiiru-dowlaha wasaarada arrimaha gudaha ninka lagu magacaabo Cali Balcad ay taageerayaan in Itoobiya qeyb ka noqoto ciidamada cusub ee afrikaanta halka kuwa kale ay diidan yihiin waxaana ka mid ah Axmed Macallin Fiqi oo la dhacsan siyaasadaha Masar iyo Ereteriya.

Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo isbuucii hore ciidamada Itoobiya ay maleeshiyaad badan oo ka tirsan dawladda federaalka ku dileen degmada Dooloow ee gobolka Gedo halkaas oo uu dagaal culus ka dhacay.

Related Items

Update cookies preferences