Pakistan oo sheegtay in ay iskaashi ganacsi la yeelanayso Soomaaliya dhanka kalena soo dhaweysay heshiiska Ankara.

Saturday January 04, 2025 - 11:11:24
Liibaan Jeexoow
Ururka Ganacsiga Bulshada Pakistan ee Xukuumadda Islamabad u qaabilsan howlaha ganacsiga ayaa qorshaynaya in uu xiriir ganacsi oo xooggan la yeesho DF Somalia.
Xoghayaha Guud (UBG) ee ururka Zafar Bakhtawari ayaa saxaafaddu warisey in uu wadahadal la yeeshay Ambaasadoorka Soomaaliya u fadhiya Pakistan Sheekh Nuur Maxamed. Wadahallada ayay sheegeen in diiradda lagu saaray ballaarinta xiriirka ganacsi iyo dhaqan ee Somalia iyo Pakistan.

Geesta kale Bakhtawari ayaa sheegay in wafdi ay u diri doonaan Soomaaliya kuwaas oo indho-indhayn ku samayn doona suuqyada Soomaaliya.

Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay khayraadka qaniga ah ee Soomaaliya iyo baahida suuqyada Soomaalidu u qabaan waxsoosaarka Pakistan.

Pakistan waxa ay sidoo kale caddaysay in ay taageersan yihiin heshiiskii Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya kaas oo Itoobiya bad loogu saxiixay.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences