Ganacsato Soomaaliyeed oo hantidoodii lagu boobay dalka Mozambique.

Thursday December 26, 2024 - 12:23:40
Liibaan Jeexoow
Soomaali fara badan oo ku nool dalka Muzambiik ee dhaca qaaradda Afrika ayaa boob iyo dhac loo geystay goobahoodii ganacsiga.
Bililiqadan ayaa dhacday tan iyo intii dalkaasi ay ka bilawdeen bannaan-baxyo rabshado wata oo ay mucaaradku kaga soo hor-jeedaan natiijada doorashada ee qabsoontay 09/10/2024.

Ganacstada Soomaaliyeed ee hantidooda la boobay ayaa ku nool magaalooyin ay ka mid yihiin Maputo oo ah caasimadda Muzambiik iyo magaalada Nampula.

Waxa kale oo isna la dhaawacay nin Soomaali ah oo dalka Malawi loo qaaday dhaawiciisa sida xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ay war-fidiyeenka u sheegeen.

Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac waxaa uu ka mid yahay ganacsatada ku nool magaalada Nampula, waxaana uu ka mid noqday ganacsato bakhaarro ay lahaayeen la jabsaday oo laga qaatay wixii yaallay. Waxaanu warbaahinta u xaqiijiyey in Soomaali badan dhac loo geystay.

"Bakhaar kale oo igu dhaganna waxay ka qaateen alaab kale, alaab aan hadda xisaabinay maaha waa alaab aad u badan oo bagaash ah," ayuu raaciyay hadalkiisa Maxamuud.

Sakariye Maxamed Maxamuud oo isna ka mid ah Soomaalida ku nool caasimadda dalka Muzambiik ee Maputo ayaa sheegay in kaalimo shidaal oo ganacsato Soomaali ah ay leeyihiin la dhacay.

Geesta kale maxaabiis tiradoodu gaarayso 1,500 ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Muzambiik, kuwaas oo ka faa'ideystay qalalaasaha siyaasadeed ee weli socda dalkaasi.

Iska hor-imaadyo dhex-maray mudaharaadayaasha iyo ciidamada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 33 ruux, halka dhaawacuna uu gaarayo 15 qof, sida uu sheegay Bernardino Rafael oo ah taliyaha booliska.

Isniintii ayay ahayd markii ay dhaceen mudaharaadyo xooggan oo lagu diidan yahay go’aan maxkamadda ugu sarreysa Muzambiik ku xaqiijisay in xisbiga Frelimo ee talada hayay tan iyo 1975-tii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo dalkaasi.

Related Items

Update cookies preferences