Mid ka mida suuqyada ugu waaweyn magaalada Hargeysa ayaa xaley dab weyni ka kacay kaas oo mar dambe la bakhtiiyey.
Dabkan ayaa sahayday hanti badan oo dad danyari lahaayeen isla markaana ku haystay meherado yaryar.
Taliyaha Dabdemisa Somaliland oo lagu magacaabo Sawaaxili ayaa goordambe oo xaley ah sheegay in ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan dabka.
Taliyaha ayaa xusay in dabka soo noqnoqanaya ay sababtiisu tahay qaabka Soomaalidu suuqyada u degaan.
"Dabkan soo noqnoqda waxa keenaya habka loo deggan yahay ee isku-raranka ah” ayuu yiri Sawaaxili.
Suuqyada Soomaalidu waxa ay inta badan yihiin kuwo isku xigxiga oo aan lahayn waddooyin haddii dhibi dhacdo baabuurtu soo mari karaan.
Geesta kale dabka ku soo noqnoqanayaa suuqyada Soomaalida sannadihii ugu dambaysay ayaan ilaa hadda la garanayn waxa dabka qabadsiinaya.
Laba sano ka hor waxa sidan oo kale u gubtay suuqii weynaa ee Waaheen kaas oo hantidii ku basbeeshay lagu qiyaasey $1.5 Bilyan oo lacag ah.