Cirro oo ka qayb-galay shirweyne caalamiya iyo Xasan Sheekh oo loo diidday.

Tuesday February 11, 2025 - 11:30:01
Liibaan Jeexoow
Wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa marti-qaad heer dawladeed ah kaga qayb-galay shir-weyne caalamiya oo maanta ka furmay magaallada Dubay ee dalka Imaaraatka carabta.
Weftigan uu hoggaaminayo C/Raxmaan-Cirro oo ay weheliyaan 4 wasiir iyo madaxa xafiiskiisa ayaa galabnimadii shalay diyaarad khaas ah kaga dhoofay magaallada Hargeysa, waxaanay qayb ka yihiin Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadkan 2025, sida ay shaacisay madaxtooyada Somaliland.

Cirro ayaa si rasmiya loogu marti-qaaday ka qayb-galka shirweynahan oo 11-ka ilaa 13-ka bishan February ka dhici doona magaallada Dubay ee dalka Imaaraatka Carabta. 

Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayuu Cirro ka jeediyey shirkaasi oo goor dhawayd furmay, isagoo sheegay in la gaadhay waqtigii caalmaka ka garaabi lahaa in Somalilaand noqoto waddan madax badaan oo beesha caalamka ka mid ah, kana rajaynayaan Maraykanku inuu noqoto dalka ugu horreysa ee aqoonsada.

Waxa kale oo Cirro kusoo hadal-qaaday khudbaddan uu maanta ka jeediyey shirweynahaasi caalamiga ah in sannadkan gudihiisa ay dhamaystirayaan heshiiskii xaaraanta ahaa ee Muuse Biixi uu la galay Abiy Axmed ee lagu dhaxal-wareejinayay qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliyeed.

Geesta kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in dawladda Imaaraatka Carabtu ay madaxa kooxda Villa Soomaaliya Xasan Gurguurte ka hor-joogsatay inuu ka qayb-galo shirkaasi caalamiga ah oo maanta ka furmay magaallada Dubay.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in Xasan Sheekh uu saacadihii u dambeeyey ku jiray dedaallo ku aaddan sidii dawladda Imaaradka Carabta looga ergeyn lahaa, si uu shirkaasi uga qayb-galo, balse ilaa hadda lama sheegin wax aqbalaad ah oo loo fidiyey Gurguurte.

Wararka ayaa intaas ku daraya in m/weynaha DF Somaliya uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Amiirka Dalka Qadar kaasoo uu u gudbiyey cabasho ka dhan ah marti-qaadka Cirro ee Magaaladda Dubai uu kaga qayb-galayo shirkan ay isugu yimaaddeen madax ka kala socota caalamka.

Related Items

Update cookies preferences