HARGEYSA: Guddi loo magacaabey ka talo-bixinta suuqii gubtay ee Gobonnimo oo go'aammo soo saarey.

Saturday February 08, 2025 - 17:09:26
Liibaan Jeexoow
Suuqii dhawaan ku gubtay magaalada Hargeysa oo loo magacaabey guddi gaar ah ayaa guddidu waxa ay soo saareen go'aammo looga talo bixinayo mashaqadaas.
Xubnahan guddida ah oo uu hoggaaminayo Hawlaha Guud ee maamulka ayaa sheegay in akoonnadii gaar ahaa loo furay si wixii taakulo ah loogu shubo halkaas.

Waxa kale oo ay soo saareen in dadkii hantidu kaga gubatey Suuqa Gobonnimo ay wali si ku meelgaar ah ugu sii ganacsan karaan.

Qodobka saddexaad ee ay tibaaxeen waxa ay ku sheegeen in guddidii farsamo ee Dowladda Hoose ee Hargeysi in ay soo qiimeeyaan khasaarihii suuqa.

Shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ayaa dadkii suuqani ka gubtey ugu deeqay kumannaan doolar. Shirkadda Dahabshiil ayaa iclaamisay in ay kaga qayb qaadanayso qaaraan ururinta suuqa lacag dhan $330,000.

Dhanka kale ganacsade lagu magacaabo Maxamed Aw Siciid ayaa isna ku yaboohay $250,000.

Related Items

Update cookies preferences