Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka ayaa gaarey suuqii xaley dabku ka kacay ee Magaalada Hargeysa.
Cirro waxa uu sheegay in uu tacsi u dirayo dadkii halkaas hantidoodu kaga burburtay isla markaana ay xukuumaddu la qaban doonto wixii khasaare maaliyadeed ah.
Sidoo kale waxa goobta ka hadley Guddoomiyaha ‘Golaha Wakiillada’ SL Yaasiin Faratoon.
Suuqa Gobonnimo gaar ahaan qaybta Idaacadda oo ah halka uu dabku ka kacay ayaa Dowladda Hoose ee Hargeysi ku sheegtay masaafada dhuleed ee uu dabku qabsadey 2,192m².
Qiimaynta hantida ku luntay ayaa wararku sheegayaan in guddi loo saarey xog ururin ka samaysa masiibadii dabka.
Mid kamida dadkii meheraduhu ka gubteen oo saxaafaddu wareysatey ayaa sheegay in xisaab xirkii ugu dambeeyay ee uu sameeyay meheraddiisu ku qiimaysnayd $25,000.
Waxa xusid mudan in aam wali la soo saarin waxa dabka dhaliyey.