Weerarro geystay khasaare kala duwan ayay wararku sheegayaan in xoogagga Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobollo ay ka mid yihiin Shabeellaha hoose, Hiiraan iyo Bakool.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay 4 qarax oo lala beegsaday kolonyo ciidamo Yugaandhiis ah oo sahay waday, kana baxay deggaanka N.60 kuna sii jeeday deggaanka Buufow.
Ilow-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan uu weerarkaasi ku dhintay 1 askari oo Yugaandhiis ah, 5 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in goobtii ay qaraxyadu ka dhaceen ay kusoo degtay diyaarad Helicopter ah kana daabushay dhimashada iyo dhaawaca askarta Yugaandhiiska.
Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay weerar madaafiic ah oo lagu duqeeyey saldhig ay maleeshiyaadka dawladdu ku leeyihiin duleedka degmada Buula-burde.
Duqayntaasi ayay wararku tibaaxayaan inay geysatey khasaare gaaray maleeshiyaadka la weeraray, walow aanaan ka helin faahfaahin dheeriya.
Gobolka Bakool, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay weerar culus oo dagaalyahannada Al-Shabaab ku qaadeen maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Ceel Barde.
Weerarrada iyo qaraxyada sida joogtada ah loogu beegsanayo ciidamada shisheeye iyo daba-dhilifyadooda Soomaaliya ayaa si xawliya uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.