Dagaallo 41 askari lagu dilay oo ka dhacay bariga Hiiraan.

Saturday February 08, 2025 - 05:35:08
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo markale dib uga qarxay deegaan dhaca bariga gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dagaallada oo saacado badan qaatay ayaa ka dhacay deegaanka Beera Yabaal oo udhaxeeya degmooyinka Buul Burde iyo Halgan, maleeshiyaad huwan ah oo xagga cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dowladaha shisheeye ay tiro 4 jeer ka badan weeraray saldhigyada xoogagga jihaadiga Al Shabaab.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhammaan weeraradii ay qaadeen ciidamada DF-ka iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda lagu jabiyey, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalladii shalay lagu dilay 41 askari oo ay kamid yihiin saraakiil sarsare halka 45 kalena lagu dhaawacay.

Hoos ka akhri qaar kamid ah askartii lagu dilay dagaalkii Beera Yabaal

1-Muumin Faradheere

2-Cabdullaahi Xuseen Geedi.

3-Jeceelow Cusmaan Xasanow.

4-Maxamad Cali Xaamud.

5-Baryare Axmad Gobsuge [Sarkaal].

6-Maxamad Cabdullaahi Shiilow.

7-Muxuyadiin Cabdullaahi .

8-Maxamad Abuukar Hagar

9-Maxamad Salaad Taangi

10-Muxidiin Cabdullaahi

11-Maxamed Abuukar Hagar

12-Max'med Salaad Taangi

Related Items

Update cookies preferences