Xildh. ka tirsan maamulka Somaliland oo shaaciyey in aanay aqbalayn dalabka Trump iyo aqoonsi badiil ka ah barakicinta reer Qaza.

Sunday February 09, 2025 - 16:40:13
Liibaan Jeexoow
C/Kariim Sheekh Cumar Furre oo ka mida xildhibaannada Golaha Guurtida ee maamulka Somaliland ayaa si adag uga hor-yimi qorshaha uu Donland Trump ku rabo inuu ku barakiciyo muslimiinta reer Qaza, una kaashado maamullada dab-dhilifyada ah ee ka jira gobollada waqooyi ee Soomaaliya.
Xildhibaan Furre oo sheegay inuu ku hadlayo afka Guurtida ayaa ku baaqay in aan la ogolaan, garab-na lagu siinin Donald Trump, hindisaha uu ku ku rabo in uu ku bara-kiciyo muslimiinta reer Filastiin. Isagoo Xukuumadda Cirro-na uga digay arrintaasi isla markaana ugu baaqay inay ka jawaabto.

Sidoo kale Furre, waxa uu shaaca ka qaaday in aanu jiri doonin shakhsi reer Somaliland ah darajada uu doono ha sitee oo Donlad Trump ku raaci kara barakicinta dadkaasi muslimiinta ah. Barnaamijkaasina aanu noqon doonin mid dhinacooda suurto-gal ka noqon kara.

Xildhibaankani waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in mashruucan lagu barakicinayo muslimiinta reer Filastiin aanay marnaba yeeli doonin xataa haddii dalalka Maraykanka, Yahuudda ama dalalka kaleba yiraahdaan dal madax-bannaan ayaanu u aqoonsan doonnaa Somaliland. Waxaanu bulshada ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan rabitaankan gurrucan ee magac-xumada usoo jiidaya bulshada ku dhaqan waqooyi galbeed Soomaaliya.

Furre waxaa kale oo uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay feejignaadaan oo marnaba wax saaamayn ah aanu ku yeelan hadallada hadaaqqa ah ee kasoo yeeray Donald Trump.

Wuxuu carrabaabay xildhibaankani in qabyaaladda iyo Nacaybshiyaha la dhex-dhigay ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ay ka mid noqotay asbaabaha uu Donald Trump ugu soo dhiirraday in dadka Soomaaliyeed uu ka dalbado in ay ku gacan-siiyaan barakicinta walaalahooda muslimiinta ah ee reer Filastiin.

Ilaa hadda wax jawaab ah kamasoo bixin dhanka xukuumadda dabadhilifka ah ee uu hoggaamiyo C/Raxmaan-Cirro oo ku aaddan dalabka Donald Trump balse maamulka ashahaado-la-dirirka ah ee Puntland ayaa isagu aqbalay kuna dhiiraday inuu soo dhaweeyo ajandayaasha madaxweynaha Maraykanka ee barakicinta muslimiinta reer Filastiin.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Donald Trump uu soo jeediyey hindise lagu barakicinayo muslimiinta reer Qaza isla markaana xukuumadda Washington ay go’aansatay inay dadkaasi xoog ku rarto isla markaana dejiso dalka Maroco iyo waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan deggaannada ay ka arrimiyaan maamullada Puntland iyo Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences