Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya qarax culus oo xoogagga Al-Shabaab ay maanta ka fuliyeen gudaha degmada Balad Xaawo.
Sida ay tebinayaan ilo-wareedyo aanu helnay, qaraxan ayaa ahaa mid culus, waxaana lala beegsaday goob ay joogeen maleeshiyaadka DF Somaliya.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in qaraxaasi uu ku dhaawacmay mid ka mida maleeshiyaadkii lagu weeraray goobtaasi.
Weerarkan ayaa imanaya xilli xalay degmada Garbahaarey lagu miray askarta Xabashida Itoobiya ee duullaanka garadarrada ah ku jooga dalka.