Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ilo wareedyo ku dhowi sheegayaan in uu xalayba u baxay dalka Azerbajaan.
Xasan oo markaasuun ka soo laabtay safar uu ku joogay dalka Tanzania ayaa haddana waxa uu nasasho la’aan ugu kicitimay Baaku oo ah xarunta dalka Azerbaijan.
Safarka Xasan wali lama shaacin waxa uu daarran yahay balse Azerbaijan ayaa ah dal kala bara Qaaradda Aasiya iyo Qaaradda Yurub(qayb kamid ahi waa Yurub, qaybina waa Aasiya) .
Dalkaasi malaha wax bad ah oo waa dal xiran dhanka kale waxa uu ku tiirsan yahay dhoofinta saliidda qayrin, tan ayaana noqon karta sababta uu Xasan dalkaas u tagay in ay salka ku hayso heshiis ku saabsan arrimaha saliidda qayrin maaddaama oo Soomaaliya qani ku tahay balse aan wali la soo saarin.
Xasan waxa uu dhawaan safar ku maray dalalka Ereteriya, Itoobiya, Masar, Iswiiserlaan, Yugaandha, Turkiga, Tanzania iyo ugu dambay Azerbajaan.
Safarrada Madaxweynaha ayaa ku kacaya maaliyad aad u badan taas oo noqonaysa hanti ka lumaysa dalka.